Antoine Griezmann oo doortay horyaalka uu uga fariisanayo kubadda cagta

(Madrid) 08 Sab 2018 Weerar yahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka France ee Antoine Griezmann ayaa daaha ka qaaday horyaalka uu jecel yahay inuu uga fariisto kubadda cagta.

Antoine Griezmann ayaa sheegay inuu jecelyahay in xirfadiisa kubadda cagta uu ku soo gabagabeeyo horyaalka maraykanka ee MLS.

Image result for griezmann MLS

27 jirkaan reer France oo la hadlay L’Equipe ayaa yiri:

“Haddii Beckham uu doonayo inaan ku biiro kooxdiisa Inter Miami, kama labalabaynayo inaan aqbalo dalabkiisa”.

“Waxaan doonayaa in xirfadayda aan ku soo afjaro horyaalka Maraykanka, waan arki doonaa halka aan u dhaqaaqo Miami ama Los Angles, waa labo koox iyo labo magaalo oo aad cajiib u ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close