Difaaca Barcelona Jordi Alba oo ka warbixiyay kooxda uu doonayo inuu kaga fariisto kubada cagta

(Barcelona) 07 Sab 2018. Difaaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu doonayo in kubada cagta uu kaga fariisto garoonka Cump Nou.

“Riyadeyda waa inaan sii joogo kooxda Barcelona inta ka dhiman nolosheyda, waxaan rajeynayaa inaan halkan kaga fariisto kubada cagta”.

“In badan ayaan soo fiicnaaday sanooyinkii lasoo dhaafay, waxaan ku jiraa waqtigii ugu fiicnaa xirfadeyda kubada cagta”.

Dhinca kale Jordi Alba ayaa wuxuu ka hadlay arinta ku aadan heshiis kordhintiisa kooxda Barcelona, wuxuuna tilmaamay in goor dhow uu kulan la qaadan doono maamulka kooxda si uu u sii joogo garoornka Cump Nou.

“Waxaa jiri doono kulan aan goor dhow la qaadan doono maamulka kooxda Barcelona, si aan arintan kaga wada hadalno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close