Diego Maradona oo loo Magacaabay Tababaraha kooxda…..

(America) 07 Sab 2018. Halyeygii hore ee xulka Qaranka Argentina Diego Maradona ayaa loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee naadiga Dorados de Sinaloa ee ka dhisan dalka Mexica.

Maradona wuxuu horey u soo leyliyay 5-kooxood.

57-jirka ayaa waqtiyo gaaban xilka u soo qabtay kooxaha Mandiyu de Corrientes iyo Racing Club ee ka dhisan dalkiisa hooyo ka hor inta aan loo Magacaabin Tababaraha xulka qaranka Argentina.

Maradona ayaa soo hogaamiyay xulka uu Messi kabtanka u yahay 19 kulan intii u dhaxeysay November 2008 ilaa July 2010 isagoona xulkiisa ku hogaamiyay koobkii adduunka ee 2010 lagu qabtay dalka South Africa.

Maradona ayaa ka soo tagay Al Wasl bishii July 2012, shan sano ayuuna sugayay shaqadiisa xigta ee Tababaranimo wuxuuna qabtay kooxda Fujairah bishii Abril ee sanadkii tagay.

Rikoodh Cajiib ah ayuu ka sameeyay naadiga Fujairah 52.3% ayuuna guul gaaray sanadka qura uu la joogay ka hor inta uusan qaban xilka Madaxtinimo ee Dynamo Brest.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close