“Xabi Alonso wuxuu ahaa ciyaaryahankii ugu adkaa aan la ciyaaro”… Naby Keita

(Liverpool) 06 Sebt 2018. Laacibka kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa xaqiijiyay in Xabi Alonso uu ahaa laacibkii ugu adkaa uu kahor yimaado xirfadiisa kubada cagta

Naby Keita ayaa wxuu dhinaca kale carabka ku adkeeyay in qaabka uu u ciyaarayo kubada cagta ay ka dhigeyso dhamaan ciyaartoyda kasoo hor jeeda inay maanta oo dhan ordain.

“Marka aan kahor imaan jiray kooxda Bayern Munich, Xabi Alonso wuxuu xaalada ka dhigi jiray mid aad u adag, gaar ahaan aniga”.

“Waa ciyaaryahan leh khibrad weyn, aad ayaan u dhibtoon jiray, qaabka uu u ciyaarayo ayaa kaa dhigeysa in maanta oo dhan aadan ka istaagin inaad orodo, wuxuu ahaa mid aad u caqli badan”.

Laacibka kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa kaga horyimid kooxdiisii hore ee RB Leipzig laba kulan ay kula ciyaareen kooxda Bayern Munich horyaalka dalka Germany, kahor inta uusan xidiga reer Spain ka fariisan gabi ahaanba ciyaarista kubada cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close