Mid ka mid ah Halyeeyada kooxda Arsenal oo ka warbixiyay sababta uusan ugu biirin kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 06 Sebt  2018. Halyayga kooxda Arsenal Robert Pirès ayaa wuxuu ka warbixiyay sababta uu u diiday inuu ku biiro kooxd Real Madrid, inkastoo uu ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Santiago Bernabe, ka hor inta uusan u dhaqaaqin Gunners.

“Hal maalin ayaan xirnaa maaliyada Real Madrid wariye reer Spain ayaana xiligaas igu sawiray , waxay jamaahiirt kooxda cadaanka ah ay u qaateen  inaan ku biirayo Los Blancos”.

“Real Madrid waxay ahayd kooxda aan doonayay inaan ku biiro, sababtoo ah waxay ahayd kooxda ugu fiican aduunka walina way tahay”.

“Kadib laba maalin sawirkii uu igaaga qaaday wariyaha reer Spain maaliyada kooxda Real Madrid waxaa ila hadlay Arsene Wenger xiligaas si uu iigu qanciyo la shaqeyntiisa”.

“Kadib markii uu Arsene Wenger ila hadlay waxaan go’aansaday inaan ku biiro kooxda Arsenal, waxaan badalay fikradii aan ugu biiri lahaa kooxda Real Madrid sanadii 2000.

Waxaa xusid mudan in Robert Pirès uu ku sugnaa kooxda Arsenal mudo dhan 6 sano, wuxuuna mudadii uu ku sugnaa la gaaray guulo muhiim ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close