Kullamadii u dameeyay guruubka B oo galabta la ciyaari doono

(Muqdisho) 06 Sebt  2018. Kulamo aad u adag oo ka tirsan  tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa galabta in lagu ciyaaro garoomada Koonis iyo Jaamacadaha oo ku Yaala caasimadda Muqdisho.

Guruubkaan oo ah mid adag ayaa illaa waqtigaan la xaqiijin kooxda booska koowaad ku soo bixi karto.

Degmada Shibis ayaa badisay labadii kullan ee ugu horeeyay, waxaana galabta ay wajahaysa Hodan oo doonaysa in booska koowaad ay ku soo baxdo.

Hodan  ayaa leh afar  dhicood, halka Shibis ay wadato Lix dhibcood, iyadoo Shibis xaqiijisay in ay ka soo baxday heerka guruubyada.

Kullanka u dhaxeeya Shibis iyo Hodan ayaa ka dhici doona garoonka Koonise ee ku yaala C/casiis.

Sidoo kale Warta Nabadda oo rajo god dheer ku jirta qabta ayaa wajahaysa Xamar Jab Jab.

Rajada Warta Nabadda ayaa ah in ay ku badiso ugu yaraan 3-0 oo dhanka kale laga badiyo degmada Hoddan, waa haddii la eego rajadeeda soo bixitaanka.

EEG JADWALKA GURUUBKA (B)

# Team Name MP W L D F A GD Pts
1 SHIBIS 2 2 0 0 3 0 3 6
2 HODAN 2 1 0 1 3 2 1 4
3 WARTA NABADA 2 0 1 1 1 3 -2 1
4 X.JAB JAB 2 0 2 0 1 3 -2 0

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close