Kooxda Heegan oo la soo wareegtay xiddigo Ajaanib ah+SAWIRRO

(Muqdisho) 06 Sebt 2018. Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa la soo wareegtay saddex xiddig oo Ajaanib ah, kuwaas oo ka soo jeeda dalka Uguanda.
Xiddigahan ayaa ka ciyaara booska daafaca iyo weerarka, waxa ayna kooxdaan u viyaari doonaan tartanka Janeraal Daa’uud iyo horyaalka Soomaaliya.
Xoghayaha kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maaw Heegan ayaa Gool FM u sheegay in xiddigahan ay kooxda la soo wareegtay, isla markaana ay matali doonaan naadiga.
Xiddigaha ay la soo wareegtay Heegan ayaa kala Ssen Komi Samuel oo difaac ka ciyaara, Ociti Benson iyo Babu Iddi oo iyagana weerarka ka dagaalama.
Maaw Heegan oo la hadlay GoolFM ayaa yiri ” waxa ay kooxda ku guulaystay in la soo wareegto saddex ciyaaryahan oo tayo wanaagsan leh, waxaana jeclahay in taageerayaasha aan la wadaago warkaas farxada leh.
Gool FM