AFKA LAGAMA SHEEGTO ADIGOON JACEYL ARAG: Alexis Sanchez oo Hees Murugo leh daartay mar uu Shaacinayay in Gacalisadiisa…!!

(England) 06 Sab 2018. Dhaliyaha Manchester United Alexis Sanchez ayaa boggiisa Instagram ku shaaciyay inay kala hareen Jaceylkiisa Mayte Rodriguez.

Laacibka ugu mushaarka badan Premier League ayaa muuqaalka uu ku shaacinayay inuu bur buray xiriirkii Jaceyl ee kala dhexeeyay Mayte soo daba dhigay hees Murugo leh.

Muuqaalka la saaray heesta murugada leh ayaa waxaa ka soo muuqanaya waqtigii farxada lahaa ay soo wada qaateen  Sanchez iyo gacalisadiisa Mayte Rodriguez.

Weeraryahanka reer Chile ayaa soo dhigay Istagram kiisa Qoraal u dhacayay sidan:

“Waxaan kuu rajeynayaa tan ugu fiican adduunka aad ayay u qurux badneyd inaan kula kulmo aana kula wadaago waqtiyo fiican, laakiin waxaan go’aansanay in qofkasta uu qaado wadadiisa, si aan u raadsano riyooyinkeena.

“Badanaa ma sameeyo midan laakiin waxaan waydiisanayaa Xushmad dhammaan kuwa iska hadla iyagoon ogeyn inay qof waxyeelaynayaan, maxaa yeelay qofkasta waxaa ka dambeeya Reer iyo Caruur….Xushmad.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close