“Mohamed Salah ma ahan laacibka ugu fiican kubada cagta aaaduunka”

(Afrika) 05 Sab 2018. Macalinka xulka qaranka Tunisia Faouzi Benzarti ayaa iska diiday in Mohamed Salah uu yahay xidiga ugu wanaagsan aduunka xiligan la joogo, kadib markii uu qeyb ka noqday  liiska saddexda xidig isugu soo haartay  abaal marinta FIFA The Best.

Liiska saddexda xidig isugu soo hartay abaal marinta FIFA The Best ayaa kala ah xidigaha Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić.

Hadaba tababaraha xulka qaranka Tunisia Faouzi Benzarti ayaa wax laga weydiiyay fikirkiisa kaga aadan sida uu u arko in Mohamed Salah uu yahay kan ugu fiican aduunka, wuxuuna ku jawaab celiyay.

“Mohamed Salah waxaa laga yaabaa inuu ka mid yahay ciyaartoyda aduunka ugu fiican, balse ma ahan kan ugu fiican”.

Tababaraha Tunisia ayaa u rajeeyay wanaag oo dhan laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, kadib markii uu kusoo guuleestay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay abaal marino badan ee shaqsiyadeed ee ah dhanka horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close