Mid kamid ah xiddigaha kooxda PSG oo ka caraysiiyay Nasser Al-Khelaifi

(Paris) 05 Sab 2018 Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa si wayn uga carooday mid kamid ah xiddigaha kooxdiisa.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Nasser Al-Khelaifi uu aad uga carooday hab dhaqanka xiddiga reer France ee Adrien Rabiot.

Qandaraaska 23 jirkaan ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna diiday inuu saxiixo heshiis cusub kadib markii laga hor istaagay fursad uu ugu dhaqaaqi karay Barcelona suuqii xaggaaga.

Al-Khelaifi ayaa isku dayay Adrien Rabiot inuu ku qanciyo saxiixida heshiis cusub maadaama uu ka baqayo inuu qaab bilaash ah uga tago suuqa xaggaaga 2019, laakiin laacibka ayaa diiday isku day walba oo uu ula yimid milkiilaha reer carbeed.

Xiriirka u dhexeeya labadaan shaqsi ayaa sii xumaanaya lamana oga tilaabada uu qaadi doono milkiilaha PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close