Liverpool oo wadahadal la furtay Adrien Rabiot si ay qaab bilaash ah ugu hesho

(Liverpool) 05 Sab 2018 Liverpool ayaa wadahadal la furtay xiddiga qadka dhexe ee PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot kaas oo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Express ayaa baahisay in Liverpool ay xiriir la samaysay 23 jirka reer France ee Adrien Rabiot kadib markii uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo PSG.

Image result for Adrien Rabiot Liverpool

Adrien Rabiot ayaa xaq u leh inuu wadahadal la gali karo kooxdii uu doono marka la gaaro bisha Janaayo maadaama xiligaas qandaraaskiisa ay ka harayso kaliya 6-bil.

Liverpool ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga faa’idaysan lahayd is afgarad la’aanta ka dhexeeya Adrien Rabiot iyo PSG.

Tababare Klopp ayaa doonaya inuu ku qanciyo Adrien Rabiot doorashada Liverpool oo yaraantiisii uu taageeri jiray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close