Arturo Vidal oo wal wal ku abuuray Barcelona kadib markii ……..!

(Barcelona) 05 Sab 2018 Xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal ayaa wal wal wayn ku abuuray kooxdiisa Barcelona xili kulamo badan ay sugayaan.

Arturo Vidal ayaa la soo sheegayaa inuu isaga baxay xerada tababarka ee xulka Chile kadib dhaawac soo gaaray laacibka.

FoxSport ayaa daaha ka qaaday in Arturo Vidal uu ka baxay tababarka xulkiisa kadib markii uu xanuun ka dareemay jilibkii uu horay uga dhaawacnaa.

Tababaraha jirdhiska ee xulka Chile ayaa ka codsaday Arturo Vidal inuu isaga baxo tababarka isla markaana uu dib ugu laabto qolka jirdhiska.

Xulka qaranka Chile iyo kooxda Barcelona ayaa la filayaa inay si wada jir ah war bixin uga soo saaraan dhaawaca Vidal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close