Alvaro Morata oo ka hadlay wararka sheegaya inuu wadahadal la galay Real Madrid

(London) 05 Sab 2018 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa ka hadlay xaqiiqada ka jirta inuu wadahadal la galay kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ayaa la baahiyay warar sheegaya in Alvaro Morata uu wadahadal la galay Real Madrid si uu dib ugu laabto, balse waa uu beeniyay wararkaas.

Wuxuu sheegay inuusan wax fursad ah u haysan inuu dib ugu laabto markale Real Madrid, wuxuuna gabi ahaanba beeniyay wararkii la faafiyay.

“Ma jirin fursad aan ugu laaban karay Real Madrid, wax yaabaha qaar ayaa la faafiyay kuwaas oo ah wax aan jirin” ayuu yiri Alvaro Morata oo ku sugan xarunta tababarka ee xulka Spain.

“Cadaawad uma qabo Julen Lopetegui waayo xili fiican ayaan wada qaadanay waqtigii uu ahaa tababaraha xulka Spain, in la iga reebo liiska xiddigihii koobka adduunka isaga ayaa iska lahaa, balse aniguna sooma bandhigin xiliciyaareed fiican”.

“Wanaag ayaan u rajaynayaa isaga maadaama uu yahay tababaraha Real Madrid”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close