Weeraryahanka Southampton iyo Maxamed Saalax oo SHARAD wada galay!!!

(Egland) 04 Sab 2018. Weeraryahanka Southampton Danny Ings ayaa Sharad la galay dhaliyaha kooxda Liverpool Maxamed Saalax.

Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 32-gool Premier League 36 kulan uu saftay isagoona ku guuleystay Kobta Dahabka ee horyaalka Ingiriiska.

Sidoo kale 44 gool ayuu dhaliyay guud ahaan tartamada sanadkii tagay 52 kulan uu saftay.

Danny Ings ee ka mid ah xiddigaha Liverpool balse sanadkan amaahda ugu ciyaaraya Southampton ayaa Maxamed Saalax Sharad kula galay midka goolal badnaan doono labadooda xilli ciyaareedkan.

“Waxaan galnay sharad yar. Saalax waa Saalax. Mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka. Waxay ahayd kaftan yar oo inoo dhaxeeyay labadeena. Maxamed waa Saaxiib fiican,” Ings ayaa sidaa yiri.

Maxamed Saalax ayaa dhawaan loo Magacaabay saddexda xiddig ee u tartameysa laacibka sanadka ee FIFA iyadoo ay jirto inuu horey uga mid ahaa saddexdii xiddig ee isugu soo haray abaal marinta Laacibka Sanadka ee Yurub uu ku guuleystay Luka Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close