Unai Emery oo daafac muhiim ah ka doonaya Atletico Madrid bisha Janaayo

(London) 04 Sab 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka doonaya kooxda Atletico Madrid daafac muhiim ah suuqa Janaayo.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in tababare Unai Emery uu doonayo in kooxdiisu ay la soo wareegto suuqa janaayo daafaca Atletico Madrid ee Filipe Luis.

33 jirkaan ayaa ku fashilmay inuu ku biiro PSG suuqii xaggaaga kadib markii Atletico ay dalbatay lacag badan.

Laakiin laacibka ayaa xaq u leh inuu wadahadal la gali karo kooxdii uu doono suuqa janaayo, Emery ayaana doonaya inuu ku xoojiyo daaficiisa.

Atletico Madrid ayaa ku adkaysanaysa in la bixiyo qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 30 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close