“Salah wuxuu u qalmaa inuu ku guulesyto abaal marinta FIFA The Best”.. Madaxweynaha CAF Ahmad Ahmad

(Africa) 04 Sab 2018. Madaxweynaha (CAF) Ahmad Ahmad ayaa farxad weyn ka muujiyay in Mohamed Salah uu kula dagaalamo abaal marinta FIFA The Best xidigha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric.

“Guusha uu gaaro Mohamed Salah m ahan mid kaliya dalk Masar, balse waxay sharaf u tahay guud ahaan Africa oo dhan”.

“Waxaa rajeenayaa in Mohamed Salah uu kaga guuleysan doono abaal marintan xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić”.

“Salah wuu u qalmaa abaal marintan marka loo fiiriyo wax qabadkiisa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay uu ka sameeyay kooxda Liverpool”.

Xidigaha Cristiano Ronaldo, Luka Modrić iyo  Mohamed Salah ayuu xiriirka kubada cagta aduunka ku dhawaaqeen inay isugu soo hareen ugu dambeyn saddexda xidig ku dagaalami doonta abaal marinta FIFA The Best.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close