RASMI: Lopetegui oo ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid kaga qeyb galaya Champions League xili ciyaareedkan 2018/2019

(Real Madrid) 04 Sab 2018. Macalinka kooxda Real Madrid Julen Lopetegui ayaa wuxuu shaaca ka qaaday liiska rasmiga ah ee ciyaartoyda Los Blancos kaga qeyb gali doonta tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2018/2019.

Real Madrid ayaa ku jirta Group G ay kuwada jiraan kooxaha Roma, CSKA Moscow iyo Viktoria Plzen, waxayna u badan tahay Los Blancos in ay groubkan kaga gudbi doonto wareega 16-ka.

Hadaba liiska uu tababare Julen Lopetegui u doortay inay kala qeyb galaan tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2018/2019 ayaa waxaa kusoo baxay.

Goolhaaye: Thibaut Courtois, Keylor Navas, Kiko Casilla.

Difaacyada: Dani Carvajal- Jesús Vallejo- Nacho- Raphael Varane- Marcelo – Sergio Ramos- Sergio Reguilón.

Khadka Dhexe: Toni Kroos- Luka Modrić- Casemiro- Iesco- Gareth Bale- Marcos Llorente- Federico Valverde- Asensio- Dani Ceballos.

Weerarka: Mariano Díaz- Karim Benzema- Lucas Vázquez- Vinícius Júnior.

Waxaa xusid mudan Real Madrid ay soo difaacatay tartanka Champions League saddexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay, waxayna markale dooneysaa inay ku guuleysato markii 4-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close