Mourinho oo u jawaab celiyay shaqsiyaadka aaminsan in laga ceyrinayo shaqada Manchester United

(Manchester) 04 Sab 2018. Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay inuusan wax cabis ah ka qabin in shaqada Red Devils laga casilo, sababa la xiriira qaabka ay United-ka ku bilaabatay xili ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa dhinaca kale ku kaftamay in Manchester United ay ku qasbanaan doonto inay bixiso qarashaad badan si ay kaga fasaxaan garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa guul gaartay 2 kulan, halka sidoo kale ay la kulmeen 2 guuldaro 4-tii kulan ay kasoo ciyaareen xili ciyaareedkan cusub horyaalka Premier League.

Red Devils ayaa haatan fadhida booska 10-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kadib markii ay heleen 6 dhibcood 4-tii kulan ay soo ciyaareen.

Jose oo arintan ka hadlayay ayaa yiri “Waxay yiraahdaan inaan halis ku jiro, laakiin uma maleenayo in sidaas ay jirto, hadii ay shaqada iga ceyriyaan, ma ogtihiin imisa lacag ayay isiin doonaan?”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close