Maxamed Saalax oo gaaray Dalkiisa Masar

(Egypt) 04 Sab 2018. Maxamed Saalax ayaa gaaray dalkiisa hooyo ee Masar si uu ugu soo qaato fasax gaaban oo dalxiis ah.

Premier League ayaa laga nasan doonaa maadaama ay ciyaartoyda u bexeen sidii ay u soo gudan lahaayeen waajibaad xulalkooda.

Dhaliyaha Liverpool Maxamed Saalax oo fursadaas ka faa’iideysanaya ayaa gaaray dalkiisa oo uu damaashaad gaaban ku soo qaadan doono.

Laacibka Muslimka ah ayaa soo dhigay bartiisa Instagram Sawir isagoo feero qaawan isla markaana qoraxeysanaya wuxuuna soo raaciyay qoraal yar oo u dhacayay: “Maalin Fasax aan ku qaadanayo Sahel.”.

Maxamed Saalax oo ku guuleystay kobta Dahabka ee Premier League kal ciyaareedkii tagay ayaa lagu soo daray Liiska saddexda Musharax ee u taagan abaal marinta Laacibka Sanadka ee FIFA.

Waxaa xusid mudan in Saalax uu sidoo kale Ronaldo iyo Modric ku saddexeeyay xiddigihii u tartamayay abaal marinta Laacibka Yurub ee uu ku guuleystay xiddiga reer Croatia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close