Manchester United oo markale isku dayaysa saxiixa Sergej Milinkovic Savic

(Manchester) 04 Sab 2018 Manchester United ayaa markale isku dayaysa saxiixa laacibka kooxda Lazio iyo xulka Serbia ee Sergej Milinkovic Savic.

Tababare Jose Mourinho ayaa dadaal xoogan u galay dhamaystirka saxiixa 23 jirkaan qadka dhexe suuqii xaggaagan, laakiin qiimaha qaaliga ah ee ay dalbatay Lazio ayaa keenay in United ay dib u gurato.

Image result for Sergej Milinkovic Savic Man United

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay markale isku dayayso saxiixa Sergej Milinkovic Savic suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Paul Pogba ayaa qorshaynaya inuu ka tago Manchester United bisha Janaayo, kooxda ayaana badalkiisa soo qaadanaysa Sergej Milinkovic Savic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close