Juventus iyo Real Madrid oo is dhaafsanaya labadaan laacib bisha Janaayo

(Turin) 04 Sab 2018 Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa is dhaafsanaya labadaan laacib sida ay baahisay TuttoSport.

Maamulka Juventus ayaa dadaal ku bixinaya sidii Cristiano Ronaldo loogu keeni lahaa saaxiibkiis Marcelo bisha Janaayo.

Image result for alex sandro

Juventus ayaa dajisay qorshe cajiib ah kaas oo Real Madrid ay ku qanci karto, kooxda reer talyaani ayaa diyaar u ah in Alex Sandro uu u dhaqaaqo dhanka kooxda reer Spain si ay u hesho Marcelo.

Alex Sandro waa 27 jir ku jira qaab ciyaareed fiican, halka Marcelo uu yahay 30 jir sii duqoobaya, qaar kamid ah masuuliyiinta Real Madrid ayaana la dhacsan qorshahaan.

Ronaldo ayaa ilaa haatan sifiican ula qabsan la’a jawiga kooxda Juventus iyo guud ahaan horyaalka talyaaniga kadib 3-kulan oo uu ciyaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close