Jose Mourinho oo lumiyay kalsoonida qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda Manchester United

(Manchester) 04 Sab 2018. Wararka ka imaanaya gudaha dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho uu lumiyay qaar badan ee ka mid ah kalsoonida ciyaartoyda Manchester United, kadib sida xun ay kaga bilaawdeen xili ciyaareedkan.

Red Devils ayaa la kulantay 2 guuldaro 3-dii kulan ugu horeesay ay ka ciyaareen horyaalka Premier League, kuwaasoo kala ah kooxaha Tottenham iyo Brighton, waana bilaabashadii ugu xumeyd ee United-ka tan iyo sanadii 1992.

Jose Mourinho ayay wararku sheegayaan inuu lumiyay kalsoonida 4 ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa marka ay ug yartahay, kuwaasoo kala Paul Pogba, Anthony Martial, Eric Bailly iyo Marcus Rashford.

Si kastaba Mourinho ayaa ku andacooday in maamulka kooxda ay ka gaabiyeen saxiixyada uu ka doonayay suuqan xagaaga, xili la fahansan yahay in gudoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward uu ku war galiyay Jose in ugu horey uu qaar ka mid ah xidigihiisa uu fasaxo si dhaqaalaha kasoo xarooda loogu sameeyo saxiiixyo cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close