Hazard oo fariin digniin ah u diray kooxaha Premier League, kadib qaabka xoogan ay ku bilaabatay Chelsea

(Chelsea) 04 Sab 2018. Laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa fariin digniin ah u diray kooxaha horyaalka Premier League, kadib markii ay guul soo gaartay Blues afartii kulan ee lasoo dhaafay.

Laacibka xulka qaranka Belgiam ayaa sheegay in kooxda reer London ee Blues ay sii sameyn doonto hormar weyn, inkastoo ay si xoogan ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.

“Dabcan waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano horyaalka Premier League”.

“Waxaan dooneynaa inaan noqono geesiyaasha Premier League dhamaadka xili ciyaareedka, inkastoo aan ka war qabno in dagaalka uusan noqon doonin mid sahlan”.

“Kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Tottenham dhamaantood waa kuwo aad u xoogan, waxayna heystaan wax walba ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close