FIFA oo ka soo jawaabtay dacwadii Real Madrid ay ka gudbisay Inter Milan

(Madrid) 04 Sab 2018 Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ka soo jawaabay dacwad Real Madrid ay ka gudbisay Inter Milan.

Kooxda reer talyaani ayaa lagu soo eedeeyay inay ku xad gudubtay doqobka 18 ee sharciga FIFA kadib markii ay wadahadal gaar ah la yeelatay Modric oo heshiis kula jira Real Madrid.

Laakiin FIFA ayaa sheegtay in Inter Milan aysan jabin sharciga, baaris kadib ayaa la ogaaday in Inter aysan wax wadahadal gaar ah la yeelan laacibka reer Croatia sida ay baahisay CalcioMercato.

FIFA ayaa soo saartay bayaan kaan kadib wadahadal ay la samaysay qaar kamid ah masuuliyiinta labada kooxood iyo waliba Luka Modric.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close