DEG-DEG: Kulamadii la ciyaari lahaa tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo la baajiyay

(Muqdisho) 04 Sebt 2018 –War goor dhaw ina soo gaaray ayaa sheegaya in la baajiyay labadii kullan ee galabta ka dhici lahaa garoomada Koonis iyo Jaamacadaha oo ku yaala caasimadda Muqdisho.
Kaddib geeridii shalay Allaha u naxariistee Taageerihii degmada Yaqshiid Marxum C/Fitaax Muuse, ayaa maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ay ku baajiyeen ciyaarihii galabta dhici lahaa.
Askari illaalo ka hayay garoonka Koonis ayaa shalay rasaas ku furay taageerayaal Koonis ku sugnaa, waxaana halkaas ku geeriyooday AUN C/Fitaax Muuse.
Xasan Wiish oo ah guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir ayaa Tacsi u diray ehelada Marxuum C/Fitaax Muuse, isagoo sheegay in gabi ahaan la baajiyay ciyaarihii galabta.
Maanta oo Talaado ah waxaa la ciyaari lahaa degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Jab Jab oo garoonka Jaamacadaha ku ballansanaa iyo Hodan Vs Shibis oo Garoonka Banaadir ku ciyaari lahaa.
Gool FM