Thibaut Courtois iyo Zidane oo u kala tartamaya goolhayaha iyo tababaraha ugu fiican adduunka

(Zurich) 03 Sab 2018 FIFA ayaa soo saartay liiska goolhayeyaasha ku tartamaya abaal marinta goolhayaha ugu wanaagsan adduunka.

Goolhayaha dhawaan ka soo tagay kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa ku jira liiska, waxaana ku wehliya goolhayaha Tottenham iyo xulka France ee Hugo Lloris.

Goolhayaha 3-aad ee la tartamaya labadaan goolhaye ayaa ah goolhayaha xulka Denmark iyo kooxda Leicester City ee Kasper Schmeichel.

Dhanka abaal marinta tababaraha ugu wanaagsan adduunka waxaa ku tartamaya labo tababare oo wacdaro ka dhigay koobka adduunka iyo tababarihii soo qaaday Champions League.

Waxayna kala yihiin: Didier Deschamps, Zlatko Dalic iyo Zinedine Zidane.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close