Ronaldo JR oo sameeyay wax uu awoodi waayay inuu sameeyo Aabihiis Cristiano!!

(Turin) 03 Sab 2018 Ronaldo JR ayaa sameeyay wax uu awoodi waayay inuu sameeyo aabihiis Cristiano xiliciyaareed kaan bilowga ah.

Cristiano ayaa ilaa haatan u halgamaya sidii uu u dhalin lahaa goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Juventus kulan rasmi ah, wuxuuna u ciyaaray 3-kulan oo xiriir ah isaga oo aan gaarin shabaqa.

Laakiin da’yarka uu isagu dhalay ee Ronaldo JR ayaa dhaliyay 4-gool kulankiisii ugu horeeyay ee uu u saftay kooxdiisa cusub ee Juventus gaar ahaan ciyaartoyda da’doodu ay ka hoosayso 9-sano jirada.

Wiilka uu dhalay Cristiano ayaa qaab ciyaareed fiican kala soo muuqday garoomada talyaaniga ee da’yarta, halka aabihiis uu wali ku dhibtoonayo horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close