RASMI: kooxda Liverpool oo heshiiska cusub ka saxiixatay Jordan Henderson

(Liverpool) 03 Sab 2018. Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay kabtanka kooxdeeda ee Jordan Henderson, kaasoo uu kusii joogi doono garoonka Anfield ilaa iyo sanada 2023-ka.

Jordan Henderson ayaa yimid kooxda Liverpool sanadkii 2011, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay dhigooda Sunderland, laacibka reer England ayaa tan iyo xiligaas ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan Reds.

Si la mid ah laacibka reer England ee Jordan Henderson ayaa loo magacaabay katanka koowaad ee kooxda Liverpool tan iyo markii uu kooxda ka dhaqaaqay kabtankii hore teven Gerrard.

Jordan Henderson ayaa dareen farxad leh ka mujiyay kadib markii uu saxiixay heshiiska cusub ee kooxda Liverpool.

“Waqtiga si dhaqsa ah ayuu u socday tan iyo markii ugu horeesay ee aan imid kooxda, waxay u muuqataa sida in ay tahay shalay oo kale, aad ayaan ugu faraxsanahay halkan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close