RASMI: Claudio Marchisio oo ku biiray kooxda Zenit Saint Petersburg ee dalka Russia

(Zenit) 03 Sab 2018. Kooxda Zenit Saint Petersburg ayaa shabakadeeda rasmiga ah ku shaacisay inay lasoo saxiixatay Claudio Marchisio, kadib markii uu qalinka ugu duugay heshiis labo sano ah.

32 jirkaan ayaa kansalay heshiiskiisa kooxda Juventus, kadib markii ay kuwada heshiiyeen labada dhinac, si uu u tijaabiyo loolan cusub.

Claudio Marchisio ayaa u ciyaaray kooxda Juventus 389 kulan, wuxuuna u dhaliyay 37 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 42 gool.

Laacibka reer Talyaani ee Claudio Marchisio ayaa waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda Bianconeri, sababa la xiriira qaab ciyaareedka wanaagsan uu ku soo bandhigay sannadihii kala duwanaa iyo tartamadii kala duwanaa uu kala qeyb galay.

Marchisio ayaa kula guuleystay Juventus horyaalka Serie A 7 jeer, wuxuu sidoo kale kula guuleesatay Italian Super Cup 3 jeer iyo 4 jeer ee ah Coppa Italia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close