Neymar oo fariimo qarsoodi ah la wadaagay Messi iyo Pique kadib markii uu ku fashilmay ku biirida Real Madrid!

(Paris) 03 Sab 2018 Neymar ayaa ku fashilmay suuqii xaggaaga inuu ku biiro kooxda Real Madrid kadib markii kooxdiisu ay diiday inuu baxo.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Neymar uu fariimo kala duwan la wadaagay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo waliba Gerard Pique.

Labadaan laacib oo saaxiibo aad isugu dhaw ay yihiin ayuu u sheegay Neymar inuu ku riyoonayo dib ugu laabashada Barcelona xaggaaga dambe ee 2019.

Image result for Neymar Messi Pique

26 jirkaan ayaa si wayn u doonaya inuu mar uun dib ugu soo laabto Barcelona marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan haatan bilowday.

Messi ayaa ka warhaaya in Neymar uu si wayn u farxi doono haddii ay u suurogasho inuu dib ugu soo laabto Barcelona xaggaaga 2019.

Laacibka ayaa isbuucii hore booqday xarunta tababarka ee Barcelona, wuxuuna wali xiriir fiican la leeyahay qaar kamid ah xiddigaha kooxda reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close