“Ma aanan diidin saxiixa Cristiano Ronaldo”… Jose Mourinho

(Premier League) 03 Sab 2018. Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa beeniyay wararka ku aadan inuu iska diiday in Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laabto safka Red Devils suuqii xagaaga ee dhawaan lasoo xiray.

Jose Mourinho ayaa kadib guushii ay kaga gaareen kooxda Burnley kulankooda afaraad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan kala hadlay saxaafada arintan.

“Juventus waa mid ka mid ah kooxaha yurub ee u maal galisay kooxdeeda si ay ugu guuleystaan Champions League, sababtoo ah ma u sameenayinin olalahan  kaliya si ay ugu guuleystaan kaliya horyaalka”.

“Sida iska cad ujeedka waa inay ku guuleystaan Champions League, waxay ku dhawaadeen inay sidaas sameeyaan marka ay dhawaan gaareen kulanka finalka”.

“Waxay lasoo saxiixdeen ciyaartoy wanaagsan sida Cristiano Ronaldo, Leonardo Bonucci iyo Emre Can, laakiin waxay wajihi doonaan laba kulan adag ay nagula ciyaari doonaan Champions League”.

“Cristiano Ronaldo ma uusan ku jirin qorshaheena, leymana soo bandhigin, si aan u iraahdo haa ama maya”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close