Kooxda Usbuuca ee Premier League oo la soo saaray…. (Man City oo xiddigaha ugu badan ku leh) + SAWIRRO

(England) 03 Sebt  2018. Waxaa la ciyaaray kulamadii afaraad ee Premier League xilli ciyaareedka cusub 2018-19 iyadoo ay guul wada gaareen kooxaha waa wayn marka laga reebo Tottenham.

Warsidaha Goal.com ayaa sida caadada ahaydba soo saaray kooxda Usbuuca ee Premier League.

Kooxda Manchester City ayaa shaxdaan ku yeelatay xiddigaha ugu badan waxaana ay ku leedahay saddex ciyaaryahan, halka Chelsea iyo Watford ay ku leeyihiin min labo laacib.

Man United, Burnley, Southampton iyo Wolves ayaa min hal laacib ku yeeshay shaxdaan, waxaana la qadiyey oo aan hal xiddig ku lahayn shaxdan kooxaha Arsenal iyo Liverpool.

Shaxda kooxda Isbuuca ee Premier League halkaan hoose ka eeg:-

 

#1 GOOLHAYE | Joe Hart (Burnley)

>- Kaddib markii uu todobo badbaado sameeyey kulankii uu ka hortagay Manchester United, Hart ayaa haatan sameeyey 21 badbaadin xilli ciyaareedkan 2018-19 horyaalka Premier League, wadar ahaanna ma jiro goolhaye ka wanaagsan.

#2 DAMBEEDKA-MIDIG | Kyle Walker (Manchester City)

>- Walker ayaa dhaliyey todobaadkan goolkiisii ugu horreeyey kooxda Manchester City tartammada oo dhan kulankiisii 52-aad oo uu u saftay kooxda ciyaartii ay 2-1 uga adkaadeen Newcastle United.

#3 DIFAAC-DHEXE | Antonio Rudiger (Chelsea)

>- Kulankii Chelsea ay wajahday naadiga Bournemouth, Rudiger ayaa muujiyey bandhig aan caadi ahayn.

#4 DIFAAC-DHEXE | Craig Cathcart (Watford)

>- Mid kasta oo ka mid ah shanta gool oo uu Cathcart uu horyaalka u dhaliyey Watford ayaa yimid iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Vicarage Road, dhammaantoodna waxa uu ku dhaliyey kubbado la soo karoosay ama la soo qaaday (Saddex koorno iyo labo laadadka xorta ah (free-kicks).

#5 DAMBEEDKA-BIDIX | Jose Holebas (Watford)

>-Kaddib markii uu labo gool caawiyey kulankii Axaddii, xiddiga kooxda Watford ee Holebas ayaa gacan ka geystay shan gool oo Premier League ah illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan (1 gool iyo 4 caawin) waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale tartankan.

#6 KHADKA DHEXE | Pierre-Emile Hojbjerg (Southampton)

>- Marka laga soo tago goolkiisa, ciyaaryahan kale oo Southampton ah ma uusan helin shuudad bartilmaameed ah oo ka badan inta uu helay oo ah labo ama uu baasas dhammaystiran Hojbjerg.

#7 KHADKA DHEXE | David Silva (Manchester City)

>- Ma jiro ciyaaryahan ka abuuris badnaa fursadaha goolasha lagu dhalin karay Silva kulankii Manchester City ay guusha ka gaartay Newcastle United kaasoo abuuray afar fursadood oo gool lagu dhalin karay.

#8 KHADKA DHEXE | Joao Moutinho (Wolves)

>- Moutinho ayaa dhammaystiray baasaska ugu badan kana badan ciyaaryahan kasta oo kale oo ka tirsan Wolves kulankii ay guusha ka gaareen West Ham, waxaana uu dhammaystiray 18 baas.

#9 GARABKA-MIDIG | Raheem Sterling (Manchester City)

>- Tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkii hore, kaliya Mohamed Salah (45) iyo Harry Kane (35) ayaa gacan ka geystay goolal ka badan Premier League inta uu gacan ka geystay garabka kooxda Manchester City ee Sterling oo ah 31 gool (20 gool waa uu dhaliyey halka uu caawiyey 11 kale).

#10 WEERARYAHAN | Romelu Lukaku (Manchester United)

>- Lukaku ayaa Manchester United u dhaliyey markii ugu horreysay labo gool kulan Premier League ah gudihiis tan iyo bishii Agoosto sanadkii 2017-kii, markaasoo uu kulankiisii ugu horreeyey oo tartankan u saftay Red Devils uu labo gool dhaliyey kulan ay ka horjeedeen West Ham oo ay ku adkaadeen 4-0.

#11 GARABKA-BIDIX | Eden Hazard (Chelsea)

>- Waxa uu dhaliyey goolkii labaad ee Chelsea kulankii ay ka horjeedeen Bournemouth, Hazard ayaa sidoo kale abuuray fursado badan oo shan ah, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale horyaalka Premier League kulamadii todobaadkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close