Deschamps oo ka jawaab celiyay xaqiiqada ah in xidigaha Faransiis ah aanan lagu sharfin abaalmarinta FIFA

(France) 03 Sab 2018. Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa xaqiijiyay inuu la yaabay islamarkaana uu ka careysan yahay markii uu ogaaday in xidig Faransiis ah uusan qeyb ka ahayn abaalmarinta liiska ugu dambeeya ee musharaxiinta abaal marinta FIFA The Best.

Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in xidigaha Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić ay ugu dambeyn isugu soo hareen u tartamida abaal marintan.

Didier Deschamps ayaa shir jaraa’id uu kasoo muqday wuxuu kaga hadlay go’aanka layaabka leh ee FIFA.

“Waxaan u maleenayaa in ugu yaraan xidig ka tirsan France uu u qalmay inuu qeyb ka noqdo liiskan, isla markaana uu ku guuleysto”.

“Kaliya ma ahan inay ku guuleysteen koobka aduunka 2018, ee waxaan u dhahayaa sidoo kale qaab ciyaareedka cajiibka ah ay bixiyeen xili ciyaareedka guud”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close