Taageerayaasha Manchester United oo ka horyimid Ed Woodward una sheegay inuu ……..!! +SAWIRRO

(Manchester) 02 Sab 2018 Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa si wayn uga horyimid madaxa fulinta kooxdooda ee Ed Woodward.

Ka hor intii aysan bilaaban ciyaarta haatan socota ee Manchester United ay la ciyaarayso kooxda Burnley ayeey taageerayaashu diyaarad soo kor marsiiyeen garoonka.

Taageerayaasha ayaa ku soo xiray diyaarada boor ay ku soo qoreen: “Ed Woodward wuxuu ku takhasusay fashil”.

Carada taageerayaasha Manchester United ayaa ku dhacday Ed Woodward kadib markii uu diiday inuu kooxda galiyo lacag badan suuqii xaggaaga si Mourinho ay ugu suurogasho inuu la tartamo Pep Guardiola.

Taageerayaasha Manchester United ee ku sugan garoonka kooxda Burnley ayaa ku qaylinaya magaca tababare Jose Mourinho si ay u muujiyaan inay garab taaganyihiin.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close