Pogba oo Manchester United u sheegay goorta uu ka tagayo iyo kooxda uu ku biirayo!!

(England) 02 Sab 2018. Paul Pogba ayaa dhagta ugu dhibciyay Manchester United goorta uu doonayo inuu ka tago iyo kooxda uu ku biirayo.

Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United ayaa doonaya inuu ka tago Old Trafford isla markaana dib ugu laabto Juventus marka uu suuqa furmo bisha Janaayo.

Sunday Express ayaa ogaatay in Pogba uu Ogeysiiyay kooxda Jose inay ka go’an tahay inuu ka tago marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga.

Pogba ayaa intaas ugu naxariisanaya Man United si ay badelkiisa u sii raadsadaan oo wuxuuba doonayay inuu ka tago suuqii xirmay sida ay wararku sheegayaan.

25-jirka ayaa dib ugu soo laabtay Man United labo sano ka hor isagoona lacago Rikoodh ah 89 milyan dib ugu soo laabtay Masraxa Riyada laakiin wuxuu weli heli la’yahay qaab ciyaareedkii Cajiibka ahaa ee lagu yaqiinay berigii uu ka ciyaarayay horyaalka Serie A.

Xiriirka kala dhexeeya Jose Mourinho ayaa bur buray waxaana xitaa suuro gal ah inuu gaaray heer aan ka soo laabasho lahayn, taasna waa tan ku dhalisay inuu doono inuu ka tago kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close