Lopetegui oo dalbaday saxiixa xidig muhiim ah si uu kaga taqaluso mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Real Madrid

(Real Madrid) 02 Sab 2018. Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain oo sheegay in Julen Lopetegui uu ka dalbaday maamulka kooxda Real Madrid inay u sameeyaan saxiixa laacibka Chelsea Marcos Alonso.

Sida warbixitan lagu xusay Julen Lopetegui ayaa ka careysan qaab ciyaareedka difaaca kooxdiisa ee reer Brazil Marcelo, sidaas darteed wuxuu dalbaday xidig badal u noqda suuqa furmi doono bisha January.

Lopetegui ayaa dareensan in hoos u dhac uu ku yimid qaab ciyaareedka Marcelo, waana sababta uu u doonayo in loo sameeyo saxiixa laacib cusub ee badal u noqon kara.

Si kastaba Marcos Alonso ayaa wuxuu bandhig wanaagsan ka sameenayaa safka kooxdiisa Chelsea xili ciyaareedkan, Julen Lopetegui ayaana doonaya inuu ka dhigto badalka Marcelo ee kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close