Kullankii Waabari iyo Yaqshiid oo la baajiyay iyo Wadajir oo ……..

(Muqdisho) 02 Sebt  2018  Sida qorshaha uu ahaa illaa iyo laba kullan ayaa lagu ballansanaa garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Muqdisho, ha yeeshee is badel ayaa yimid.

Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa goor dhaw isbadel ku samayn doona jadwalka tartanka, mahadaama la gaaray kullamadii u dambeeyay,waxaana laga cabsi qabaa in degmooyinka qaar ay is daayaan.

Isbadelka oo durba dhacay ayaa la sugayaa kaliya in jadwal cusub uu soo baxo.

Waa la baajiyay kullankii dhex mari lahaa degmooyinka Yaqshiid iyo Waabari oo ku jira guruubka A.

Kaliya hal kullan ayaa galabta dhicaya, waxa uuna dhex mari doonaa degmooyinka Wadajir iyo Xamar Wayne, iyadoo lagu ciyaari doono garoonka Banaadir.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close