Benzema oo Bannaanka is keenay….(Taageerayaasha Real Madrid oo Xalay…)

(Madrid) 02 Sab 2018. Benzema ayaa Taageerayaasha Real Madrid ilowsiiyay inay tabaan Cristiano Ronaldo kaddib markii uu la soo baxay wacdaro aan caadi ahayn.

Muddo uu ku sugnaa Real Madrid, dhaliyaha reer France ayaa qaadanaya bilowgiisii ugu fiicnaa horyaalka La Liga oo wuxuu sii cago cageynayaa 4- gool 3-kulan uu ciyaaray.

Benzema ayay ku qaadatay waqti dheer inuu afar gool dhaliyo kal ciyaareedkii tagay oo wareegii 25-aad ee dhammaadka horyaalka ayuu si dhib ah ku gaaray afar gool, iminkan saddex kulan oo qura ayuu tiradaasi ku gaaray.

Image result for benzema goal vs leganes

Taageerayaasha Real Madrid ayaa xalay ku qeylinayay magaca Benzema oo labo gool dhaliyay ciyaartii ay ka adkaadeen Leganes.

Goolasha ayaa ka mid ahaa mid uu si qurux badan u dhaliyay kaddib kubbad ay si wada jir ah uga shaqeeyeen xiddiga Real Madrid uu ugu dambeyn u dhigay Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close