Sadio Mane oo qaaday Talaabo ka Farxisay qof kasta oo MUSLIM ah…(DAAWO)

(England) 02 Sab 2018. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada oo uu ka soo muuqanayo dhaliyaha Liverpool Sadio Mane ayaa ka farxiyay qof kasta oo Muslim ah.

Weeraryahanka heesta Diinteena Islaamka ayaa Muuqaalka ka soo muuqanaya isagoo dhaqaya Musqusha Masjid ku yaala Liverpool.

Muuqaalka ayaa la helay saacado yar kaddib markii uu Mane ku hogaamiyay Liverpool guushii afaraad oo xiriir ah Premier League oo ay ka gaareen Leicester City.

Laacibka reer Senegal ayaa biyo ku dhaaminayay Baaldi suulida Masjidka lagu dhaqayay sida ka muuqanaya Muuqaalka.

Masjidka ayaa lagu magacaabaa Al-Rahma Mosque wuxuuna ku yaalaa wadada Mulgrave ee  Liverpool, waana Masjid uu Mane si joogta ah u booqdo.

Sadio Mane ee isagu aalaaba Sajuuda marka uu goolkiisa u dabaal degayo ayaa Muuqaalkan uu Masjidka dhaqayo waxaa daawatay 400,000 12-saacadood gudahood.

DAAWO:

Gool FM.  

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close