“War ma garan wayseen inaad Hal xilli ciyaareed xitaa howl gab ka dhigtaan.”. Taageerayaasha Real Madrid oo aad u CAREYSAN….+SAWIRRO

(Madrid) 01 Sab 2018. Taageerayaasha Real Madrid ayaa aad uga Carooday in Lambarkii 7-aad uu Cristiano Ronaldo u xirnaa kooxda durba la guddoonsiiyo Mariano oo ay kooxdu dib ula soo saxiixatay dhawaan.

Kooxaha qaar ayaa Meel dhiga oo howl gab ka dhiga Lambarada Halyeygooda si ay xushmad ugu muujiyaan, laakiin Los Blancos isla sanadkii uu tagay xiddigooda ayay lambarkiisa bixiyeen.

Ronaldo ayaa 15 koob oo waa wayn kula guuleystay Real Madrid, wuxuuna u dhaliyay 450 gool  438-kulan uu u saftay, waana kan ugu goolasha badan Taariikhda kooxda.

Taageerayaasha cad cadka oo careysan ayaa baraha bulshada kooxdooda ku weeraray iyagoona ku tilmaamay koox aan garaneyn sida loo tix galiyo halyeeyada soo maray.

“Waxay dhabtii ila muuqataa xushmad darro inay howl gab ka dhigi waayaan Lambarka 7-aad xitaa ugu yaraan hal xilli ciyaareed,’ Taageere baa sidaa soo qoray.

Ku kalaa yiri:

“In Lambarka 7-aad la siiyo Mariano waa xushmad darro kale oo ka timid Florentino Perez.”.

“Miyaa la waayay qof Real Madrid bara sida loo xushmeeyo halyeeyada.”. Taageere kale oo Careysan ayaa sidaa ku soo yiri Baraha Bulshada.

SAWIRRO, Mariano oo loo xiray Lambarka 7-aad:

Image result for Ronaldo and Mariano

Image result for Ronaldo and Mariano

Image result for Ronaldo and Mariano

Image result for Ronaldo and Mariano

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close