“Waan ogahay marka aan si wanaagsan u ciyaarayo in kooxdana ay bixiso qaab ciyaareed fiican”…Eden Hazard

(Chelsea) 01 Seb 2018. Kubad sameeyaha kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu kalsooni weyn  ku qabay inay dhalin karaan gool, xili ay xaalada ku adkeyd inta lagu gudi jiray kulankii Bournemouth.

“Waxaan mar walba kalsooni ku qabnay inaan dhalin karno gool, marka aad bixineyso qaab ciyaareedkan oo kale kaliya waxaad u baahan tahay inaad yara dul qaad yeelato”.

“Waxaan heysanay ciyaaryahano badan oo goolal dhalin kara waqti walba, waxaan si wanaagsan kaga shaqeenay in kubada aan dhaqaajino, laakiin waxaan xumeyn qeybti hore ee ciyaarta”.

“Waxaan dareemayaa kalsooni xoogan, waxaan ku raaxeystaa kubada cagta,haatan waxaan heysanaa macalin aad u wanaagsan, iyo ciyaartoy badan ee aad u wanaagsan”.

“Waan ogahay marka aan si wanaagsan u ciyaarayo in kooxdana ay u ciyaareyso si wanaagsan, sidaasi darteed waxaan u baahanahay inaan wax walba isku diyaariyo”.

“Xili ciyaareedka waa mid wali dheer, laakiin waan dagaalami doonaa ilaa iyo dhamaadka, waxaana sii wadi doonaa inaan hormar sii sameyno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close