Unai Emery oo ka yaabiyay mid kamid ah wariyayaashii joogay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka Cardiff City! (Arag wixii uu sameeyay)

(London) 01 Sab 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka yaabiyay mid kamid ah saxafiyiintii xaadirka ku ahaa shirkii jaraa’id ee uu qabtay shalay galab.

Unai Emery ayaa u diyaar garoobaya kulan kooxdiisu ay u safrayso Wales bari oo axad ah, waxayna halkaas kula soo ciyaarayaan kooxda Cardiff City.

Intii uu socday shirka jaraa’id ayaa la soo wacay taleefanka mid kamid ah saxafiyiintii fadhiyay shirka oo taleefankiisu uu saarnaa miiska, Unai Emery ayaa ku yiri saxafigii “Ma qaban karaa, waxaa ku soo wacaya John Spencer?”

Saxafigii ayaa ugu jawaabay ka qabo, tababare Emery oo xoogaa English-ku uu ku adag yahay ayaa qabtay taleefankii wuxuuna yiri:

“Hagaag, Subax wanaagsan” saxafiyiintii ayaa qosol jabsaday maadaama xili galab ah la marayo, Emery oo fahmay qaladka uu galay ayaa saxay wuxuuna yiri:

“Galab wanaagsan, soo dhawaaw, waxaan ahay Unai Emery, sidee tahay?, shaqo ayaan ku jirnaa”.

Shaqsigii soo wacay ayaa jaray taleefanka markii uu maqlay hadalkaas, saxafiyiintii oo dhan ayaa qosol is qabsaday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close