Tababare Allegri oo sheegay SABABTII uu Ronaldo ugu Gooyay xafladii Laacibka Sanadka isagoona sheega inuu aad uga CAREYSNAA…!!

(Europe) 01 Sab 2018. Cristiano Ronaldo ayaa u gooyay xafladii lagu bixinayay abaal marinta laacibka Sanadka ee Yurub isla markaana lagu sameenayay isku aadka Champions League.

Luka Modric ayaa abaal marinta ka dul qaaday Ronaldo iyo Maxamed Saalax isagoona ka horreeyay dhibco badan.

Tababaraha Juventus  Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Ronaldo uu aad uga Careysan yahay in loo magacaabi waayay laacibka sanadka xilli uu ahaa xiddiga ugu goolasha badnaa Champions League.

Allegri ayaana soo jeediyay in la tix galiyo go’aanka maqnaanshiyaha Ronaldo.

Image result for ronaldo and allegri

“Wuxuu ku maqnaa go’aankiisa shaqsi ahaaneed si la mid ah go’aanada shaqsi ahaaneed ay dadka kale qaataan, waa in la tix galiyaa,” Allegri ayaa sidaa yiri.

“Waxa kaliya aan dhahayo waa in Ronaldo uu qaatay kal ciyaareed fiican sanadkii tagay wuxuuna ciyaari doonaa kulanka Parma isaga iyo Mario Mandzukic, waxaan go’aansan doonaa weeraryahanka saddexaad ama afaraad tababarka kaddib.

“Ronaldo wuu careysnaa shalay maxaa yeelay wuxuu ku guuleystay Champions League wuxuuna dhaliyay 15-gool, tani waxay caddeynaysaa inuu had iyo jeer doonayo inuu noqdo kan ugu fiican.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close