Tababaraha xulka qaranka Croatia oo si xoogan u weeraray Ronaldo si uu u difaaco Luka Modrić

(Yurub) 01 Sab 2018. Tababaraha xulka qaranka Croatia Zlatko Dalić ayaa weerar ku qaaday xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, sababa la xiriira inuusan kasoo qeyb galin xaflada UEFA.

Luka Modrić ayaa ku garaacay abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada yurub xidigaha Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo, laakiin laacibka ree Portugal ayaa seegay xafladan.

Zlatko Dalić ayaa yiri: “Ka maqnaanshiyaha Cristiano Ronaldo ee xaflada UEFA iyo hadaladii soo raacay abaalmarinta uu ku guuleestay Modrić, waa arin aan u baahneen inaan ka hadlo”.

“Tani waxay caddayneysaa inaan sii wadi doono inaan sheego.. Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan kaliya ka fikira naftiisa, iyadoo aan loo eegeynin guuldarada, waxa kaliya uu daneeyo  waa inuu dhaliyo goolal”.

“Modric waa ciyaaryahan weyn ee aad u wanaagsan, guulahiisa kooxda Real Madrid marna isma badali doonaan, wuxuu soo maray daruufo adag, laakiin ugu dambeyn wuxuu joogo halka uu doonayay inuu ahaado”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close