Muxuu ka yiri Alisson Becker qaladkii uu ka sameeyay kulankii Liecester City?

(Liverpool) 01 Sab 2018. Goolhaayaha kooxda Liverpool Alisson Becker ayaa sheegay inuusan markale sameyn doonin qaladkii uu ku kacay kulankii maanta ay kula ciyaareen Liecester City horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa guul 2-1 kaga gaartay Liecester City, xili goolka kaliya ay Liecester dhalisay uu ku yimid qalad fool xun uu Alisson Becker ka sameeyay ciyaarta taasoo sabab u noqotay in lagu ciqaabo.

“Waxaan seegay dareenka ciyaarta, ma aanan helin qaab ciyaareed fiican waxaan sidaas ugu sheegay Virgil van Dijk qolka labiska, sababtoo ah ma uusan ahayn baas fiican”.

“Waxaan doorbidi karay inaan kubada laado, laakiin waxaan isku dayay inaan sii ciyaaro oo aan kubada heysto, sida iska cad aniga ma ahi nacas, si aan markale u sameeyo qaladkan oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close