Klopp oo ka hadlay dhibaatada dhex taala xiriirka kubadda cagta Masar iyo Mohamed Salah

(Liverpool) 01 Sab 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhibaatada dhex taala Mohamed Salah iyo xiriirka kubadda cagta Masar.

Ka hor intii uusan bilaaban koobka adduunka ayuu soo shaac baxay khilaafka u dhexeeya Salah iyo xiriirka kubadda cagta Masar kaas oo aan si fiican loo xalin.

Xaalada ayaa sii xumaatay intii uu socday koobka adduunka, laacibka ayaana ku sigtay inuu ka fariisto u ciyaarida xulkiisa.

Tababare Klopp ayaa beeniyay in Salah uu haatan ku fikirayo inuu ka fariisto xulka, balse wuxuu cadeeyay inuu yahay shaqsi aqli badan isla markaana xal u heli doona dhibaatada taagan.

“Suurogal ma ahan inaan arko arinkaas (Salah oo ka fariisanaya xulka Masar) waqti xaadirkaan, Salah wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro xulka dalkiisa, sidoo kale wuxuu doonayaa inuu anagana noo ciyaaro, wixii intaas ka soo hara waa wax ku xiran fikirkiisa” ayuu yiri tababare Klopp.

“Goormaa ugu danbaysa Masar inay hesho laacib isaga oo kale ah? xaalada ayaa sidaas iska ah laakiin xiriirku waxay u baahan yihiin inay la qabsadaan taas”.

“Ilaa haatan arinku ma hagaagin laakiin waxaa dhici karta inuu isbadal dhaco oo wax walba ay hagaagaan ugu danbayntii, isagu waa shaqsi aqli badan, waana uu xalin doonaa arimahaas, waan hubaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close