Heung-min Son oo ugu danbayn ka badbaaday inuu qaato tababar CIIDAN kadib markii …..! +SAWIRRO

(South Korea) 01 Sab 2018 Laacibka kooxda Tottenham ee Heung-min Son ayaa ugu danbayn badbaadiyay mustaqbalkiisa kubadda cagta.

South Korea ayaa 2-1 uga adkaatay galabta xulka qaranka Japan oo ay isugu soo baxeen Final-ka ciyaaraha Olonbikada qaarada Asia.

Heung-min Son ayaa sidaas uga badbaaday inuu soo qaato tababar ciidan muddo dhan 2-sano  marka uu gaaro 28-jir.

Sharciga South Korea ayaa dhigaya in qof walba oo rag ah laga doonayo inuu qaato tababar ciidan muddo dhan 2-sano, waxaana jira shuruud qofka haddii uu buuxiyo laga cafinayo sharcigaas.

Ku guulaysigii galabta ee Bilada dahabka ah ayaa ka dhigaysa in dhamaan ciyaartoydii xulka South Korea oo uu ku jiro Heung-min Son laga cafiyo tababarka ciidan.

Warkaan ayaa farxad wayn u ah kooxda Tottenham oo aad uga cabsi qabtay in laacibkeeda ay wayso muddo dhan 2-sano.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close