Halyayga reer Talyaani ee Ciro Ferrara oo hadalkan ku yiri Cristiano Ronaldo, kadib imaatinkiisa Juventus

(Juventus) 01 Sab 2018. Difaacii hore kubada cagta dalka Talyaaniga ee Ciro Ferrara ayaa kalsooni ka muujiyay in Cristiano Ronaldo uusan u dhalin doonin Juventus in ka badan 30 gool xili ciyaareedkan.

“Waxaan u maleynayaa inuu 25 ilaa iyo 26 gool u dhalin doono xilli ciyaareedkan, lakiin xaqiiqdii waa in ka yar inta looga bartay inuu ka dhaliyo wayihiisa horyaalka La Liga ee dalka Spain”.

“Ma heli doono wax ka badan 30 gool, fekerkeyga, Talyaaniga wuu ka duwan yahay horyaalada kale, sabab la xiriira difaacyada ku sugan, xitaa qaabka loo ciyaaro kubada cagta”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa labadii kulan uu kasoo ciyaaray horyaalka dalka Talyaaniga kadib imaatinkiisa kooxda Juventus wuxuu ku guuldareestay inuu dhaliyo wax gool ah.

Laakiin kulanka caawa ay kooxda Juventus kula ciyaari doonaan Parma horyaalka Taliyaaniga ayuu Cristiano Ronaldo rajeenayaa in shabaqa uu gaaro markiisii ugu horeesay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close