RASMI: Real Madrid oo ku dhawaaqday in xidig cusub uu ka dhaqaaqay Santiago Bernabéu

(Real Madrid) 31 Agoosto 2018. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in uu garoonkeeda Santiago Bernabéu ka dhaqaaqay xidig cusub xili suuqa kala iibsiga uu ka harsan yahay inuu soo xirmo saacado kooban.

Los Blancos ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay shabakadeeda waxay ku sheegtay in ay ka wada heshiiyeen kooxda Levante in Borja Mayoral uu ugu dhaqaaqo heshiis hal xili ciyaareed ee amaah ah.

Real Madrid ayaa xusid mudan in Arbacadii ay lasoo saxiixatay Mariano Díaz, kaasoo noqon doona weeraryahanka labaad ee kooxda.

Kadib imaatinka Mariano Díaz ayaa waxay ku qasabtay Borja Mayoral inuu isaga dhaqaaqo garoonkeeda Santiago Bernabéu si uu xili ciyaareedkan u helo daqiiqado badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close