Ogoow Goorta la ciyaarayo Europe League iyo halka uu ka dhici doono FINAL ka

(Europe) 31 Agoosto 2018. Waxaa la soo saaray isku aadka Europe League iyadoo ay Chelsea dib uga soo muuqatay  markii ugu horreysay tan iyo 2013 kolkaa ay qaaday koobka.

Blues ayaa la galiyay Groub ka L iyadoona nasiib u yeelatay kooxo sahlan.

AC Milan oo la galiyay Group F ayaa wajihi doonta kooxaha Olympiakos, Real Betis iyo Dudelange

Arsenal oo iyadu sanadkii tagay lagu reebay wareega afar dhammaadka kaddib guul daro ay kala kulantay Atletico Madrid ayaa Group E kula jirta Sporting CP, Qarabag iyo FC Vorskla Poltava

Haddaba kulamada Koowaad ayaa la ciyaari doonaa 20-ka September.

Kulamada Labaad – October 4.

Saddexaad – October 25.

Afaraad – November 8.

Shanaad – November 29.

Lixaad- December 13.

Finalka ayaa ka dhici doona Garoonka Olympic Stadium ee ku yaala Baku, Azerbaijan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close